Xalay Fiidkii Ayaa Magaalada Muqdisho waxaa Mar Qura Laga Maqlay dagaal culus oo Dhinac socday Duqeyn madaafiic Ah Kaa Oo Ay Soo Qaadeen Xarakada Shabaab.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxay ku bilowdeen Madaafiic xoogan oo ay Ridayeen Dagaalyahanada Shabaabka Iayadoona Ay Ciidmaddii Lagu Soo Qaaday Weerarka Iyana Jawaab Culus Ay Ka Bixiyeen Duqeymahaasi.
Duqeymaha Iyo Dagaal Fool Ka Foolka Ah oo ahaa kuwo xoogan waxay ka dhaceen Wadada Isku Xerta Muqdisho Iyo Afgooye dagaaladaasoo soo gaaray ilaa Iyo saaka aroortii.
ilaa Iyo Haatan Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada xalay ka dhacay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Afgooye Maadaama Ay Aheyd Xilli Habeen Ah hase yeeshee warar ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaasi ayaa sheegay inay Wax Yeelo Soo Gaartay Ciidamada Laba Dhinac Ee Halkaasi Ku Hardamayay.
Weerarada Isdaba Jooga Ah Oo Ay Dagaal Yahanada Shabaabul- Mujaahidiin La Bar Tilmaameedsanayaan Dowladaha Dowladda Soomaaliya Taageerada Siiya Iyo Tan Soomaaliya Qudheeda ayaa Marba Marka Ka Dambeyso Sii Lixaadsanaya Iyadoona Ay Intaasi Ay Sii Dheerta weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimada Magaalada Muqdisho oo amaankeeda xiligan aan la isku halayn Karin Shacabkana Ay Ka Muujinayaan Quus.




