Kismaayo oo qarka u saaran in ay ku dagaalamaan kooxo shaley wada jirey!.

0
486

Wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka soomaaliya ee kismaayo ayaa sheegaya in ay qarka u saarantahey dagaal u dhaxeeya kooxo shaley is garabsanayey oo wada soomaali ah.

Kooxahani ayaa waxey kala yihiin koox sheeganeysa in ay ciidanka qaranka yihiin oo uu hugaaminayo gen.saxardiid iyo raas kaamboodi oo ah urur hore alshabaab dagaal uga saareen kismaayo ahna dadka deegaanka kismaayo kasoo jeeda,oo uu hugaamiyo shekh axmed madoobe,waxaana wax lala yaabo ah rag sheeganaya in ay ciidanka xoga dalka yihiin in ay siyaasad galaan oo yiraahdaan maamulka gobolka iyo kan degmada ayaan ka rabnaa in xilal nalaka siiyo,kuwaasoo sida la soo sheegayo shacabkii dhibaato ku haya,gudoomiye ku xigenka xisbiga midnimada jamhuuriga oo aan wax ka weydiiney arimaha kismaayo ayaa yiri;
kismaayo waan la soconnaa in ay qas iyo qalaanqal ku hayaan rag sheeganaya in ay askar qaran yihiin oo kenyaanku gadaal ka riixayaan,iyo ilyaas barre shiil oo la ogyahey wixii uu muqdisho ka sameynayey waqtigii doorashooyinka madaxweynaha,waa nin diradiraale ah oo jecel in soomaalidu iska hortimaado,wuxuuna u shaqeynayaa gumeystihiisa kenya isagoo ku faraxsan gumeysiga uu isagu ku jiro ayuu doonayaa in uu soomaali xor ah yiraa ama ku qanciyo in gumeystuhu wacanyahey,rabana in jubooyinku hoos tagaan wax loogu yeero Igad oo micnaheedu yahey kenya oo ka baqeysa in ay kaligeed fuliso qorshaheeda jubooyink,ayuu hadalkiisa kusoo xirey gud.kuxigenka xmjs timajilic.