October oo ah bil ka mid ah bilaha 12ka ah ee sanadka isla markaana ah bisha 10’aad waxaad moodaa in ay saameyn dheeraad ah wadato sabab ayeyna leedahey:
waxey aheyd 3:00 saac maalin talaado ah 1969kii markii ay dalka la wareegeen ciidamadii qalabka sidey(xoga dalka somaaliya),kuwaas oo sheegey in ay ka amar qaataan taladana u dhiibeen allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee soomaaliya gen. Maxamed siyaad bare.
Gen.maxamed siyaad bare oo hugaanka dalka hayey muddo 21 sano ah ayaa siiyey himilo gaar ah bisha october maadaama ay ku beegneyd markii ay dalka la wareegeen 21 october 1969,taas oo loo sameyn jirey fantasiyo iyo dhoola tus ciidan,bulsho,dhaqaale,iyo dhaqan waxeyna qalbiyo badan ku reebtey xusuus gaar ah,waxaana xaqiiq ah hadii maanta la yiraa hala xuso hana lasoo bandhigo awooda bulshada iyo dhaqaalaha dalka waxey noqon kartaa maalin qaran oo ay dhaxlaan dad badan oo garanaya waxa ay aheyd 21ka october.
Aduunka waxaa soo marey rajiimyo ka tagey xumaan ama samaan,lamana tuuro ee mid kastaa xusuustiisa ayuu leeyahey tusaale ahaan hitler maanta astaamihiisii waxaa laga helayaa meelo badan hadana inta badan dunidu wey necebyihiin,stalin iyo leenen iyagana wey muuqdaan taalooyinkoodii iyo wixii caanka ku ahaayeen.
Hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa sabab u ah in soomaalidu xaaqdo taariikhda iyo astaamaha rajiimki dalkan soo xukumayey 21ka sano taas oo lagu micneyn karo in dalka iyo dadkuba ku liitaan ama ay ku hooseeyaan ilbaxnimada iyo koritaanka xadaarada dalku soomarey,oo waliba dhiiri gelin laheyd qof kasta oo soomaali ah hadii la helo astaamaha qof xun oo dalka soo hugaamiyey ama astaamaha iyo xusuusta qof wanaagsan oo dalka soo xukumey,mudnaantooduna kala sareyso waa la kala dooran lahaa,maanta se waa hadal iyo wax qoran oo la siiyey qof ama qoys qabiil iwm,taas oo aan anigu shaqsi ahaan u arko in ay keentey aqoon darro iyo ilbaxnimo xumo,waxaanan ku talin lahaa in arinka lagu baraarugo in 100sano kadib dadka nool aysan ku filaan karin wax qoran ama afka laga sheego ee ay u baahanyihiin wax cad oo muuqda sida caalamka ka jirta.




