Wakiilkii Al-shabaaab U Qaabilsanaa Gobolka Banaadir Oo Maanta Xilka Laga Qaaday Loona Magacaabay Mid Cusub

0
355

Xarakada shabaab xafiiskeeda Siyaasada gobolada ayaa maanta si rasmi ah isbadal dhanka Maamulka ah ugu sameeyay maamulka gobolka banaadir iyadoo la badalay gudoomiyihii hore lana magacaabay gudoon Cusub oo Shaqada halkeedii ka sii wadi doono

Bayaan kasoo baxay Xafiiska Siyaasada Al-Shabaab oo ay heleen warbaahinta ayaa Waxaa maanta la badalay Sh.Maxammed Xassan Cumar “Abu Cabdi Raxmaan” oo ahaa wakiilka G/ Banaadir, ee al-shabaab waxaana lagu badalay Sh.Cali Maxammed Xusseen “Sh. Cali Jabal” oo isagu mar ku dhawaad saddex sano hore soo hayay wakiilnimada Banaadir ee al-shabaab.

Bayaanka ayaa u qornaa sidan
in Sh. Abu Cabdi Raxmaan mudadii uu xilka Wilaayada hayay uu Shaqo wanaagsan soo qabtay, Wixii ka dambeeya Maanta oo Sabti ah 28-11-1433H kuna beegan 13-10-2012 uu Sh.Cali Maxammad Xuseen ” Sh.Cali Jabal” uu shaqada la wareegi doono si uu halkiisa uga sii amba-qaado halganka Jihaadka ah ee ay Muslimiintu kaga soo horjeedaan Cadawga ku habsaday Wilaayada Banaadir.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale Isbadal dhanka Maamulka ah lagu sameeyay Gobolka Galgaduud oo loo Magacaabay Sh.Xassan Yacquub Cali “Waaligii Degmada Kismaayo.