Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen askar kenyaan ah oo kismaayo ka dhacey.

0
474

Dawlada kenya oo askarteedu gudaha soomaaliya ay ku jirto mudo hal sano iyo bil ah ayaa waxey la kulmayeen weeraro gaadmo ah,qaraxyo,iyo dagaal si toos ah loogu soo qaado intaba.

Dhibaatada ka soo gaareysa joogitaanka soomaaliya iyo dheefta ay dooneyso dawlada kenya ayaa u eg dhiig shidaal ku bedelasho aysan shacabka kenya ku baraarugsaneyn wali cidi isma weydiin dagaalka ay kenya sha cabkeeda guryaha ugu gelisey askarteeduna ku dhamaanayaan,hase yeeshee waxaa maanta qarax qasaare ba’an geystey lagula eegtey askarta kenya halkaas oo ay kaga dhinteen askar kor u dhaaftey 10 halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada lala eeganayo askarta kenya ayaa imaneysa iyadoo dhawaan uu sheegey madaxweynaha kenya mwai kibaki in aaney soomaaliya ka baxeyn ilaa iyo inta ay ka gaarayaan ujeedooyinka ay soomaaliya usoo galeen taas oo iftiimineysa in aaney kenya usu heysan in ay kamidyihiin Amisom balse ay qorshe kaloo qarsoon soomaaliya ka leedahey su’aashuse waa ma hirgeli doonaa mise?.