Muslimiin Careysan Oo Maanta Bur Bur U Geestay Safaarado Ku Yaala Asia Iyo Africa

0
238

Magaalada Khartuum ee Xarunta Sudan waxaa lagu weeraray dhowr safaaradood waxaana boqolaal dadweyne ah ay gudaha ugaleen safaarada mareykanka uu kulahaa Khartuum iyagoona bur buriyey Guud Ahaanba .

Dibadbaxayaashu qaarkood Ayaa waxa Ay Safaarada  ka galeen daaqadaha iyagoona ka qaatay agab kala duwan waxaana jiray baabuuro sidoo kale laga qaatay safaarada Sudan ee mareykanka Qaarna La Gubay.

Jarmalka iyo Britain Safaaradahooda ay ku leeyiiin khartuum ayaa Iyana la weeraray iyadoo la bur buriyey Dhamaan Qalabkii yaallay,ciidamada amaanka iyo dibadbaxayaasha ayaa gacanta iskuala tagay iyadoona si weyn loo adkeeyey amaanka Hase Yeeshee Ay Dibadbaxayaasha Iyagu Hooshoodii Iska Sii Watay.

Sioo Kale Dhowe safaaradood oo kuyaallay Libiya,masar,Lubnan,Ciraaq iyo Tunisiya ayaa La weeraray iyadoona banaanbaxayaal muslimiin careysan ay dibadbaxyo xoogan ka dhigeen dalalkaasi Islamarkaana Ay Qasaaro Farabadan sababeen.

Maxamed Mursi Madaxweynaha Dalka Masar oo hadlay waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay aflagaadada loogeystay nabi Muxamed NNK waxaana uu ka digay in la sameeyo banaanbaxyo rabshado wata taasi oo laga dhigay fagaaraha Taxriir ee Qaahira .

Sidoo Kale Cabdul Haad Madaxweynaha Kmg Dalka Yaman ayaa isagu ka raali geliyey Dawlada Mareykanka dil loogeystay safiirkooda Yaman ufadhiyey oo lagu dilay weerar lagu qaaday dalka mareykanka safaaradii uu ku lahaa magaalada Sanca Taasi Ay Dad Careesan ku Qaadeen Weerar.

Maanta  oo Jimco Ah Waa maalin soo maray dunida islaamka mid ay ku muujinayeen damiirkooda islaanimo waxaana magaalooyin waa weyn ka dhacay iskusoo baxyo muslimiin careysan dhigayeen Kaasi Oo Ay Kaga Xumaayeen Aflagaadadii Loo Geestay Nabigeena Mux’ed NNK.