Agaasimaha Wazaarada Garsoorka iyo Cadaalada Oo Sheegey In Ay Dowlada Somalia Aad Kaga Xuntahay Filimkii Lagu Aflagaadeynayay Nabigeena Mux’ed NNK.

0
417

Xaaji Maxamed Kheyroow Agaasimaha Guud Ee wasaarada garsoorka Iyo Cadaalada Ee Dowlada Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahin ku Hadasha Afka Dowlada ayaa waxaa uu sheegay in ay Aad uga Xumaadeen Filimka ay soo saareen dad Calooshooda ushaqeestayaal ah oo yuhuud ah  Ee lagu aflagaadeeyay Rasuulkeena Muxamed NNK uu  yahay Mid ay Dhamaan Muslimiinta Caalamku Ka xumaadeen uuna iska horkeenayo Muslimiinta Caalamka iyo Kirishtaanka Ku Farxaya Arimaha Noocaasi Oo Kale Ah .

Sidoo Kale Kheyrow Ayaa Xusay In Diinta Islaamka ay meel ka dhac ku Tahay Filikaan ay soo saareen Nimankaan Gaalada Ah waxaana ay doonayaan in uu dhaco Dagaal diimeed Isagoona Carabka Ku Dhufay In Uu Hawada U Marinayo Cambaareyn Sheegayna In Ay Dowlada Soomaaliya Madaxdeeda  Ka Codsanayaan Dowlada Mareykanka in ay Filimkaas Sababta uu ku yimid ay jawaab cad ka bixiso Islamarkaana Ay Ka Soo Saarto War Cad

Arinkaani Ayaa yinid Maalmo ka hor Markii Ay Rag udhashay Dalka Mareykanka Soo Saareen Filim Lagu Aflagaadeynayay Nabigeena Muxamed NNK kaas oo kiciyay Dhamaan Shucuurta Bulshada Muslimiinta ah Islamarkaana Ku Dhaqaaqay in ay Dalalka Muslimka ah oo Soomaalia ay ka mid tahay ay ka dhacaan Mudaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo Dowlada Mareykanka Laguna Bur Buriyay Safaarado Badan Oo Ku Yaala Qaaradaha Asia Iyo Africa