Xaflad Tababar Loogu Soo Xerayay Ciidamada Xooga Dalka Oo Maanta Ka Dhacday Warshadii Hore Ee Nacnac Ee Duleedka magaalada Muqdisho.

0
554

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Xafladani oo ahayd Mid Shahaadooyin Lagu Siinayay Cutubyo Ka Tirsan Ciidmada Xooga dalka oo manta Tababar muddo Lex bilood ah ugu jiray xarunta Warshaddii hore ee Nacnaca ayaa waxaa ka soo Qeyb Galay Madaxda Sare ee ciidamada Xooga dalka.

Ugu Horeen xafladdani Waxaa ka Hadlay Macalinka Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtii manta loo soo afmeeray tababarkii waxaa uuna Sheegay in ciidamada Looga baahan yahay inay shacabka ula Dhaqmaan si Wanaagsan isla Markaana ay Dhulkooda Hooyo Ka Sifiiyaaan cadawaga Kana Taliyaan siidii Loo heli Lahaa Nabad Iyo Kala Dambeen.

Sidoo kale xafladda waxaa ka hadlay Waziirka amniga maamul Gobaleedka Puntland Ciidamada Tababarka loo soo xerayna u jeediyay hambalyo ku aadan sida wanaagsan oo ay u qaateen Tababarka loogana fadhiyo Inay wax ka Qabtaan dhibaatada shacabka soomaaliyeed Muddada 21 sano ay Lataalaa dhacayeen .

Ugu dambeen Xafadda waxaa soo Xeray Ra’iisul Wazaare Xigeenka Ahna Waziirka Gaashaandhiga Xukuumadda Waqtigeedu Idlaaday waxaa uuna sheegay in wax lagu faani Karo ay tahay sida Wacan ee Macalimiinta Ciidamada Xooga dalka u bareen aadaabta isla Markaana aduunka waxa askarika Laga qiimeeyo ay tahay aadaabta Ciidamadana kula dardaarmay Inay Noqdaan ciidamo dalka Iyo Dadka Iyo diinta Wax u Qabtaan.