(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ay gantaalo ku weerareen diyaarad dagaal oo maraysay hawada Magaaladda Kismaayo.
Diyaaradan oo la rumaysan yahay in Kenya laga leeyahay ayaa maraysay hawada dhow ee magaaladda Kismaayo, waxaana wararka imaanaya ay sheegayaan in Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ay dhowr madfac oo kuwa lidka diyaaradaha ah la beegsadeen.
Lama Sheegin wax qasaaro ah oo dhashay iyo hadii diyaaradaas ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka ay Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab la beegsadee.
Sidoo kale lama xaqiijin karo in Diyaaradaas ay wax jawaab ah ka bixisay weerarkaas ay gaysteen Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, iyadoona xaalada magaalada ay mar qur ah isbadashay.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlany ayaa shaaciyay in xaalada magaaladda ay caadi kusoo laabatay mudo yar kadib duqeyntii dhacday.
Xiliyada qaar ayaa waxaa hawada laga maqlayaa guuxa diyaarado la rumaysan yahay in ay yihiin kuwa duuliyaasha, sidoo kale magaalada xeebaheeda waxaa kusugan ilaa shan markab oo kuwa dagaalka ah.
Saraakiisha Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ayaa ka sheegay Masaajida Magaaladda in ay iska celinayaan weeraro kaga yimaada Ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowlada Soomaaliya.





