XERO MARAN IYO XUKUN DOONKA SOMAALIDA! Q/2aad

0
507

Sida aynu la wada socono waxaa 20 bishan loo balansanyahey in la doorto m/weyne dalka soomaaliya hugaamin doona 4ta sano ee soo socota.

Waxaase isweydiin mudan waa maxey sababta ay dad gaaraya 70 ruux isugu soo sharaxayaan hal kursi?

Waxaa sidoo kale isweydiin mudan xubnaha baarlamaanka imaan doona ma kuwo rabitaanka shacabka ku imanayaa mise waa kuwo ku imaan doona rabitaanka beesha caalamka?

Si kastaba jawaata su’aaluhu ha u dhacaane waxaan muran ka jirin in somaalida taladu ka wareegtey taladuna aysan iyaga ka go’in iyadoo laga faa’iideysanayo khilaafkoodana maanta lagu maamulayo dhulkooda waana tan maanta ay dad badani maqlayaan hebel waa la diidey oo mahiga iyo beesha caalamka ayaa diidey,waa hugaamiye kooxeed,lacag ayuu cuney iyo waxyaabo kale oo lamid ah ayaana lagu eedeeyey dadka eeda iska leh maahan kuwa wax eedeynayaa waase lagu maamulayaa wixii ay iyagu lahaayeen iyagoo sidaas og somaalidu ayey riwaayad dhigayaan isuna sharaxayaan m/weyne aan talo ka go’in saw xero maran iyo xukun doonka somaalida lamid maahan socon weynaye aan orodno.