GUULEED GUULEYSO AMA GUUL DAREYSEE GOOBTA ISKEEN(faallo)

0
646

 

Anigu ma guun baan ahey,gugeygu wuu kordhoo gaarey halkii garashadeydiyo garaadkeygu doonayee maxaa goobta xun idhigey?

War guuleed golahaaga joog geelu beri buu dhaliye gaawaha soo culoo geyiga oo dhan baa ku raba guushuna waa xageenoo galabtana waan imaan.

Gaboobe galab walba waad timaad geni lacaga ima siisidoo gabalkey adaa ridee guurane kusoo galaloo mar uun guuleed gobta iskeen.

Kuwaasi waa guuleed iyo gaboobe oo isku haaraamaya suugaan iyo hadal sarbeeb ah waxeyna ka wada hadlayaan marxalada dalku marayo iyadoo guuleed la dhererey oo gaboobe leeyahey war maad timaadid goobta maxaad gadaal isugu dhigeysaa?waxaadna moodaa in gaboobe quus ka yahey hadalka guuleed in badana uu ka maqley hadal aan waxba ka fulin uuna ka xishoonayo in uu goaan ka gaaro ama uu isku tashado,guuleed iyo gaboobe wey kala war la’yihiin cid u kala garsooreysana ma muuqato balse la ogaan doonee halka doodoodu kusoo biyo shubatee lasoco.