(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta ka soo laabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu uga qeybgalay Shirkii waddamada Islaamka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada waxaa uu uga warramay hanjabaado loo jeediyay guddiga soo xulaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, saameynta Xukuumadda Soomaaliya ay leedahay xilliga iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii waddamada Islaamka ee uu ka qeybgalay.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga hadlay shirkiisa jaraa’id waxyaabihii loo hadlay shirkii waddamada Islaamka, wuxuuna sheegay in looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuu sheegay oo kale in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.
Madaxweynaha wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kalena wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.
Dhanka kalena, markii uu madaxweynaha ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan. Sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.





