DHAGAR QABE AAKHIRO U DHAADHAC DHIBNA WUU KA TEGEYMaqaal>

0
655


Sida lala wada socdo dhawaan ayaa la shaaciyey dhimashada dhagar qabe meles zanaawi kaas oo masuul ka ahaa dhibaatooyin farabadan oo soo marey dadka soomaaliyeed 20ki sano ee ugu danbeysey burburka soomaaliya.

Dhagar qabe zanaawi ayaa noloshiisa qeyb kamid ah ku qaatey soomaaliya waxna ku bartey iyadoo loo arkayey in uu yahey nin dhameyn kara dhibaatada gaamurtey oo u dhaxeysey shucuubta ku kala nool labada dal waa ethoupia iyo soomaaliya,mase noqon sidaase abaal laawe meles wuxuu noqdey abees aabihi amras yahey hore ayaa loo yiri.

Melles zanaawi ayaa ah nin danbi weyn ka galey dalki iyo dadki barbaarintiisa ka qeyb qaatey sida isagoo abuurey hugaamiye kooxeedyo uu hub iyo rasaas siiyo,isku dirid iyo kala qeybinta qabaa’ilka soomaaliyed,kala qoqob iyo kala go’goyn uu ku sameeyey gudaha somaaliya iyo isagoo ugu danbeyntii duulaan qaawan ku soo qaadey dalka soomaaliya soona geliyey ciidamo gaaraya ilaa 50,000 askeri kuwaasoo geystey xasuuq burburin hantiyed barakac iyo baabi’inta goobo lagu cibaadeysto,isbitaallo iskuullo iyo guryo gaar loo lahaa,wuxuu ahaa nin caadeystey ku xad gudubka ciida soomaaliya markuu rabo soo galo markuu rabo ka baxa,una hugaansamin qaraarada kasoo baxa qaramada midoobey,iyadoo ugu danbeyntii uu halaagsamey iyadoo gudaha soomaaliya ay ku jiraan calooshod u shaqeystayaal dhibaato ku haya dalka soomaaliya.