Shirkii Lagu Ansixinlahaa Dastuurka Soomaaliya Oo Markale Dib u Dhac Ku Yimid

0
274

Shirkii Lagu Ansixinlahaa Dastuurka Soomaaliya Oo Markale Dib u Dhac Ku Yimid

Maanta Ayaa Waxaa mar labaad dib u dhacay labo todobaad gudahood shirkii la doonayey in lagu ansixiyo qabyo qoraalka dastuurka oo maanta lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo dhameystirmi waayeen ergadii 825-ta xubnood ka koobneyd ee la qorsheeyay inay ka doodaan ka dibna ansixiyaan dastuurka Loo Sameenayo dalka Soomaaliya iyo Shacabka ku Dhaqan.

C/raxmaan Xoosh Jibriil wasiirka dastuurka dowladda TFG-da Sida uu sheegay labo maalin ayaa dib loo dhigay shirkii la doonayey in lagu ansixiyo dastuurka cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso, wuxuuna sheegay wasiirku in labo maalin gudahood ay ku soo dhameystiri doonaan ergooyinka la sugayo ee hadda shirka ka maqan.

Sido Kale Warar ayaa sheegaya in ergooyinka dhiman qaarkood ay ku maqan yihiin dhinaca Puntland, halka kuwo oo aan badneyn ay iyana ay weli u xayiran yihiin muran iyo is-heysad dhanka beelaha ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan odayaal ka socda dhanka maamulka Puntland iyo ergada maamulkaas oo gaaraysa 102 xubnood.

Kulankaani ansixinta dastuurka ayaa muddo dhowr jeer ah dib u dhacay, waxaana sababta ugu weyn ee baaqashadiisa lagu sheegay sedex arrimood oo kala ah is-heyad u dhaxeeya odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowladda KMG, kaasoo ku saleysnaa qodobo ay doonayeen Odayaashu in laga saaro dastuurka inta aan loo gudbin ergooyinka, halka qodobka kale lagu sheegay ergooyin ka qeybgeli lahaa ansixinta dastuurka oo ku kala maqan dalka dibaddiisa iyo gudahiisa.

 

Shirkii Lagu Ansixinlahaa Dastuurka Soomaaliya Oo Markale Dib u Dhac Ku Yimid