Shirka caalamiga ah ee ku saabsanaa mustaqbalka wadanka Soomaaliya oo ka socday magaalada Standul ee wadanka Turkiga ayaa caawa la soo gabagabeeyay, waxaana shirkaas khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda wadamada caalamka ee ka qeyb galay shirkaas oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed.
Gabagabada shirka Stanbul ayaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, kuwaasi oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, gargaarka, dib u dhiska iyo qaabka xilliga kala guurka ah looga baxayo iyo waliba qodobo kale.
Shirkaan oo ahaa midkii labaad ee looga hadlayo aayaha iyo mustaqbalka wadanka Soomaaliya, isla markaana daba jooga shirkii horay uga dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wufuud iyo madax ka socota 60-dal oo caalamka ka tirsan iyo hay’adaha caalamiga ah.
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Mr. Banki Moon ayaa ka dalbaday wadamada caalamka inay kordhiyaan taageeradooda dalka Soomaaliya, isagoona ku ammaanay dalalka beesha caalamka sida ay iminka uga go’an tahay inay Soomaaliya taageeraan.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ayaa isna sheegay in dhibaatada Soomaaliya aanay u oolin oo kaliya dadka Soomaalida ah, balse caalamka oo dhan ay u taalo inay wax ka qabtaan.
Waxaa kale oo heshiis gaar ah kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo ku aadan sidii loo kordhin lahaa taageerada kala duwan ee dalka Soomaaliya ay iminka beesha caalamku ku tabarucayaan wadanka Soomaaliya, iyadoo heshiiskaasina ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogan, iyadoo heshiiskaasi uu goob joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Mr. Banki Moon.
Hadaba halkan waxaa idinku soo gudbineyna war murtiyeedkii laga soo saaray shirka labaad ee Istanbul-II
-In La Tixgelinayo Madaxbanaanida, Sharafta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
-In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
-In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo
Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.
-Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.
-In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.
-In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord,Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.
-In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.
-In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.
-In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka.
-In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.
-Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.
-In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi Karin waqtigooda.
-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.
-In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
-Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
-Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.
-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
-Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.
-In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.
-In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.
-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.
-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.
-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.
-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.
-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo
-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta ayadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo iney kusoo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.
-Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku taageereyso.
-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaas la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.
-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta ayadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.
-In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.
-In la aqoonsado iney Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo kabashada dhaqaalaha loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.
-In xooga la saaro dib u dhiska dalka ayadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.
-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.
-In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.
-In Shirkan uusoo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka ayadoo Wadahadaladaasina si deg deg ah loosoo dhaweynayo.
-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen
Fulinta qodobadan ayaa waxaa loo xilsaaray Mas’uuliyadeeda Koowaad Dowladda Turkiga isla markaana beesha Caalamka ay arintaasi gacan ka geysan doonaan.




Xafiiska Wakaaladda Wararka Warsom.com





