Gudoomiye ku xigenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka hiiran ee DKMG ah ee soomaaliya Axmed Inji ayaa waxa uu sheegay in magaalada baladweyn iyo guud ahaan gobolka hiiran in ay sii joogi doonan ciidanka dowlada Ethiopia oo loogu talagalay sugida amaanka gobolka iyo sidoo kale la shaqeynta ciidanka maamulka gobolka hiiran ee DKMG ah
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka hiien Axmed Inji ayaa waxa uu intaa raaciyay in hada ay socdaan dadaalo lagu doonayo in guud ahaan ay ku adkeynayaan amaanka gobolka.
Hadalka masuulkani ka tirsan maamulka gobolka hiiran ayaa ku soo aadaya Xili saacadahii aanu ka soo gudabnay ay magaalada baladweyn ay gaaren ciidan ka socda dowlada jibuti kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ay ugu talagaleen in ay ka qeyb qaatan sugida amniga soomaaliya gaar ahaan gobolka hiirn ciidanka loo diray dhawaan .
Si kastaba ha ahaate gobolka hiiran waxaa hada ku sugan ciidamo kakala socda dowladaha Ethiopia,somaliya,iyo jibuuti .
Waxaana ujeedka ciidankaasi lagu sheegay in gobolka hiiran ay ujogan ay tahay in ay isugu kaashadaan sugida amaanka gobolka hiiran oo hada loo arko fariisan muhiim ah oo ay dowlada KMG ah ay kala wareegtay maamulkii xarakada alshabaab ee gobolka ka Ariminjiray mudooyinkii la soo dhaafay.
Gobolka hiiran waxa uu ka midyahay deegaanada ay ku tashato dowlada ku meel gaarka soomaaliya si halkaasi loo adkeeyo xaalada amaan waxaa la geeyay ciidamo farab badan oo loo arko in aybadbaadin karaan oo ay ka badbaadin karaan xarakada alshabaab oo kal hore lagala wareegay gacan kuheyntii magaalada baladweyn ee xarunta u ah Goblka Hiiran
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya





