WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Isla markaana waxaa xoriyadooda loo soo celiyay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Boorama iyo laba shaqaale ah oo ka tirsan D/hoose ee degmada Boorama oo maxkamad la’aan u xidhnaa mudo ku dhaw sadex bilood.
Nidaamkan ayaa ah mid fashilaya hawlqabadka dawladnimo ee xukuumada Somaliland. sidaas darteedna Qoraalkan ayaa wuxu noqonayaa mid burinaya kii hore uga soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.
Muranka ka dhashay dacwadan ayaa ahaa mid xiisad adag ka dhex abuuray golaha deegaanka ee degmada Boorama iyo maamulka gobolka iyo hayadaha madaxa banaan ee Hantidhawrka iyo xeer ilaalinta guud iyo weliba wasaarada Arimaha gudaha.
Balse wuxuu ku soo afjarmayaa in Eedaha loo haystay 9 xubnood iyo Maayarka Boorama ay ahayd mid khalad ah sida ku cad qoraalkan ugu dambeeyay ee ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud, isla markaana wejigabax weyn ku ah Hantidhawraha guud ee hore warbaahinta uga sheegay in ay xidheen masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan D/hoose ee Boorama.
HOOS KA AQRISO WARQADDA
farxaan saleban””maskaro””
Wakaaladda Wararka warsom.com






