Madaxweyne Shariif oo Kulan la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Tanzaniya

0
588

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Tanzania ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi tanzaniya Jakai Kekwete..

Labada Madaxweyne ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Jakai Kekwete ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania oo xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyey iyo sidii ay Dowladda Tanzania uga qeybqaadan laheyd dadaallada ay hada wado DKMG.

Madaxweynaha dalka Tanzania Jakai Kekwete ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed guullaha ay hada gaartay Dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo Siyaasadda waxaana uu ku bogaadiyey iney soo socdaal howlahaasi oo ay ugu muhiimsantahay hirgelinta hanaanka Road-Mapka ee dalka looga saarayo KMGnimada..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/laahi Xaaji Xasan oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in labada Madaxweyne ay sidoo kale kawada hadleen arrimo ay ka mid tahay tababarrada la siinayo Ciidammada Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda dib ugu dhiseyso Ciidammadeenna Qalabka Sida islamarkaana ay labada Madaxweyne dhamaanba waxyaabihii ay ka wada hadleen la isku afgartay.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com