Buug La Magac Baxay Dirkii Sacmaaladda Oo Lagu Soo Bandhigi Lahaa Hotel Imprial Ee Magaalada Hargeysa Oo Galaaftay Agaasimihii Hay’ada Candlight.

0
1690


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Agaasimaha Hay’adda ka shaqaysa Horumarinta Deegaanka Axmed Ibrahim Awaleh ayay Ciidamadda Booliiska iyo kuwo CID ahi xalay ku xidheen xarunta CID-da ee Hargeysa.

Xadhiga Axmed Ibraahim Cawaale ayaa ka dhashay Buug uu qoray oo layidhaahdo Dirkii Sacmaaladda oo uu kaga sheekaynayo arrimo ay ka mid yihiin 1. Xageebay Soomaalidu (isir-ahaan) kasoo jeedaan?
2. Badhxanka isirka Soomaaliyeed (xidhiidhadii ay Soomaalidu la lahayd bulshooyinka kale)
3.Caqiidooyin in dhaqanno hore oo la sheego in ay ka jireen carriga Soomaaliyeed, iyo
4. Il-baxnimadii hore ee Soomaalida.

Buugan sida uu ku baahiyay Warbaahinta waxa uu caawa ku soo bandhigi lahaa Xaflad uu ugu qabanayay Hotelka Imperial ee Hargeysa, isagoo Hordhaca buuga ku soo tabiyay qoraal Ogeysiis ah oo uu bulshada ugu kala diray Mareegaha iyo Goobaha la isku arko, taasoo uu dhignayd:- Buugga Dirkii Sacmaallada,
oo ka faalloonaya sooyaalkii iyo ilbaxnimadii hore ee Soomaalida. Boggani waa bar-kulan la isku waydaarsado, waxna lagu kala barto. Waxa ka reebban qabyaalad & isir-takoor.

Description

XAGEEBAY KA SOO JEEDAAN SOOMAALIDU? Meel-kasoo-jeedka Soomaalida, oo badi lagu sunto dad xoolo dhaqato ah, waxa ay ahaayeen sidoo kale dad naakhuudaynta iyo isaga-gooshitaanka badaha ku horreeyay, oo xitaa gaadhi jiray meel durugsan sida Jasiiradaha Indooniisiya. Waxana ay waydiintani kor ku xusan u ban dhigantay aragtiyo kala duwan. Dirkii Sacmaallada, oo uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale, waa cilmi-baadhis aan la dhayalsan Karin oo eray-celin ka bixinaysa waydiintan kor ku xusan. Cilmi-baadhistani waxa ay ka duwan tahay qaar hore looga sameeyay sooyaalka Soomaalida marka la eego baaxadda shaqo tixraaca ballaadhan ee uu qoruhu sameeyay.

Hadaba waxa caawa baaqday kulankii Buugaas loogu soo bandhigi lahaa maadaama la xidhay qoraagii Buugaasi, anagoo si aanu wax uga ogaano xadhigiisa isku daynay Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee ID-da balse ka cudu daartay inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo isagoo ku gaabsaday “maanta Jimce ayay ahayd wax kale kaga sheegi kari maayo ilaa aan ogaado qofka waxa lagu haysto hase yeeshee nin xalay la keenay wuu jiraa” ayuu yidhi

Xadhiga Axmed Ibraahim Cawaale ayaa aad looga hadal hayaa caawa magaaladda Hargeysa iyadoo dadweyne u soo diyaar garoobay ku Hungoobeen Hoolkii Buuga lagu soo bandhigi lahaa, waxaana xadhigiisa lagu sababaynayaa in uu Buugu Xambaarsan yahay taariikh Beelaha Somalida wax badan asalkooda ka sheegaysa
taasoo ay Xukuumadda Somaliland ka hortagayaan si aanay bulshada ugu faafin.”