Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow”Shirka Addis Ababa waxaa ku sugan kuwa shaarka Ahlu Sunna Xeran.

0
744

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

 

Guddomiyaha fulinta Ahlu sunna Waljamaaca gobolada dhexe Sheekh Yuusuf Maxamed
Xeefoow oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxa uu
sheegay in shirkii shalay ka furmay dalka Itoobiya ee ay yeelanayaan
saxiixayaasha Road Map-ka aysan jirin cid dhinacooda uga qeybgaleysa maka laga
reebo ayuu yiri dad shaar Ahlu Sunna loo soo geliyey oo ka shaqeeya xaunta
Madaxtooyada iyo xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG.

“Shirka waxaa ku sugan kuwa shaarka Ahlu Sunna loo soo geliyay, weligoodna
aan ka mid noqon Ahlu Sunna, waxaana maqaalo nagu ah inay ka shaqeeyaan xafiiska
Sheekh Shariif” ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca
ee gobolada dhexe Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefoow.

 

“Cid ma tasha Ahlu Sunna oo shirkaasi ka qeybgaleysa ma jirto, ina Macalin
Nuur horay anagaa ugu magacawnay Xoghayaha gobolka Banaadir, markii dambe wasiir
ayuu dowladda ka noqday, haddana waa la taliyaha Madaxweyne Shariif, xilkii aan
u magacawnayna marhore ayaan ka qaadnay” ayuu yiri Sheekh Xeefow.

 

Si kasta oo ay ahaataba hadalka ka soo yeeray maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca
ee gobolada dhexe ayaa ku soo aadaya iy-adoo uu isa soo tarayo kala aragti
duwanaanshiyaha u dhaxeysa dowladda KMG iyo maamulada dalka ka jira qaarkood oo
ay qeyb ka tahay Ahlu Sunna Waljamaaca, waxayna Ahlu Sunna iyo dowladda KMG ay
isku khilaafeen qaabka ay Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka lagu
ansixinayo dastuurka loo soo xulayo, waxayna sheegeen in deegaanada ay ka
taliyaan odayaashii ku sugnaa aan shirka Muqdisho uga socda Odayaasha aan laga
qeybgelin.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.