Danjirayaasha beesha caalamka oo saxiixayaasha Road Map-ka Eedeyay.

0
350


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

 

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka bilwoday shalay shir ay
halkaasi ku leeyihiin siyaasiyiin ka socda qeybaha siyaasada Soomaaaliya ee
dawlada KMG, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana
looga hadlayaa arrimaha ku aadan xallinta ismaandhaafka ka taagan dastuur u
sameynta Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira waqtiga kala guurka hay’adaha
dawlada KMG Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qeybgaleen in ka badan 100-diblumaasi oo ka kala socota
beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada Soomaalida inay la yimaadaan
wadahalo waxtar leh oo u gogol-xaaraya dhameynta waqtiga KMG ah ee u harsan
dowladda KMG ee hadda jirta, waxaana safiirka dowladda Ingiiiska u qaabilsan
arrimaha Soomaaliya uu sheegay inay bixinayaan qarash dheeraad ah haddii ay
dhinacyada Soomaalidu ay ku guuleystaan dhameynta khilaafkooda.

 

Qaar ka mid ah danjirayaasha ka qeybgalaya shirka ayaa sheegay in khilaafka u
dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalidu uu ragaadiyey qorshaha higelinta Road Map-ka,
waxayna sidoo kale dhaliileen qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ku
shirsan Muqdisho oo ay sheegeen in siyaasiyiin damac leh ay soo xuleen qaar ka
mid ah odayaasha dhaqanka oo aan aheyn kuwii dhabta ahaa, loona baahanyahay in
degdeg loo saxo qaladaadka jira.

 

Ra’isul wasaaaha dowladda KMG oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya
ay 12 sano ee la soo dhaafay ay ku jirtay dowlad KMG ah loona baahanyahay in
markan la soo afjaro, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan
ka qabaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Road map-ka oo hamiga shacabku uu
aad u sarreeyo. Waxuuna talo ku soo jeediyey in guddi 15-xubnood ah ee madax
dhaqameedka ka mid ah in la sameeyo si ay u xalliyaan khilaafka beelaha qaarkood
ee xubnaha matalaya beeshooda ee madax Dhaqameedka ah.

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in
shirka uu soconayo labo maalmood, isla markaasna looga hadlayo dhameynta kala
aragtiduwanaanta ku aadan dastuuka, iyadoo waxna laga dhimayo waxna lagu darayo,
wuxuuna xusay in qodobada miiska saaran ee laga hadlayo ay ugu horeeyaan
cabashooyin ka yimid dhinaca Puntland oo sheegay in qodobo badan oo ka mid ah
dastuuka aan loo xusin sidii la rabay sida Federaalka, awoodqeybsiga gobolada,
awoodda dhexe iyo kheyraadka dabiiciga ah sida loo qeybsanayo.

Xafiiska warqabadka warsom.com

muqdisho,somaliya