
SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Wararkii ugu dambeeyay Ee Ka Soo If Baxaya Dagaalka Ka Soconaya Dagmada Dharkiinley Gaar Ahaan Deegaanka Kaxda-Shiikhaal
Ciidamda Dowlada Soomaaliya oo Garab ka Helaya Kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM oo Gowr dhaw la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kaxda Shiikhaal oo Saaka Dagaalo Xooga uu Ku dhaxmaray Xarakada Al-shabaab Iyo Ciidamda Amisom Iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya.
Abaan Duuliyaha Ciidamda Dowlada Soomaaliya Ayaa u xaqiijiyay Warsom.com in gacan Ku Heynta kaxda Shiikhaal ay La wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka Helayaa Kuwa nabad Ilaalinta Soomaaliya U jooga.War Lagu Kalsoon Yahay oo Naga Soo Gaaraya Goobaha Saaka Dagaalka Ka Bilowda Ayaa Sheegay in Qasaaraha dagaalkaasi aanan la Xaqiijin Karin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Dowlada Soomaali Oo Kaabaya Kuwa Nabad Ilaalinta Waxa ay Ku Suganyihii Duleedka Deegaanka Kaxda-shiikhaal .
War Lagu Kalsoon Yahay oo Naga Soo Gaaraya Goobaha Saaka Dagaalka Ka Bilowda Ayaa Sheegay in Qasaaraha Dhab ta ah ka dhashay dagaaladaan hal madfac uu ku dhacay Guri Ka ag dhawaa Goobaha Dagaalka uu Ka Socanayo eena ku dhaawacmeen 2 Ruux halka Ilaa iyo iminka Lama xaqiijinkaro Waxa Ku dhintay dagaaladaasi
xafiiska warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya




