Waxa si laba kacleeyay dagaalka kasoconayo duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaano hoos taga degmooyinka Balcad iyo Afgooye iyadoo sidoo kale dagaalka ay kusii biirayaan ciidamo lixaad leh oo labada dhinac ka kala tirsan.
Deegaanka loo barakacay ee ceelasha biyaha ayaa waxa saakay lagu arkayaa gawaari ay ku rakiban yihiin cod baahiyayaal oo dadka loogu yeerayo iney ka qeyb qaataan dagaalada kadhanka ah dowlaa iyo Amisom iyadoo sidoo kale qoysaska kuharay Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho iney qaar kamid ah dhalintooda usoo diraan dagaalka.
Dhanka kale waxa hawada Muqdisho lagu arkaya diyaaradaha nuuca qumaatiga ukaca ee Helicopterka kuwaasi oo gaaf wareegaya aagaga hore ee dagaalka saakay kasocday iyadoo warar iminka nasoo gaarayna ay sheegayaan in diyaarado kale oo sida agab militari ay marki ugu horeyssay kusoo dageen garoonka degmada Dayniile halkaasi oo dhawaan ay la wareegeen ciidanka dowlada iyo kuwa Amisom.
Dagaalka ayaa umuuqda mid qorshysan walow daryanka la madaafiicda la isku adeegsanayo aanan laga maqleenin magaalada Muqdisho hasa yeeshe waxa baqdin xoogan kaqaba waxyeelo kasoo gaarta dagaalada iminka socda dadka kuhara deegaanada loo barakacay kuwaasi oo dhibaato laba afleen ah ay heesato bacdama ay kunool yihin deegaanada diririta kasocoto taasi oo ay wehliso shabaabka oo xiligaan umuuqdo kuwa si qasab ah ugalin doono dhalintooda dagaalada Socda.
Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in dagaalka saakay uu ka gadisan yahay dagaaladi udambeeyay ee kadhaca duleedka Muqdisho iyadoo la arkayo ciidamo tira badan oo xarakada Alshabaab kasoo daabaulayaan gobolada kuhareereesan Muqdisho sida magaalooyinka Marka, Baraawe Jowhar iyo Balcad.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.





