Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Madaxweynaha dowladda TFG-da Soomaaliya ayaa magaca ka badalay degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho
Munaasabadaani ka dhacday Xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa maanta magaca looga badalay degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka xiriirka degmooyinka Gobalka Banaadir Mukhtaar Axmed Ayaa aqriyay Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha waxa uuna sheegay in kadib markii Madaxweynaha uu codsi usoo gudbiyay Maamulka gobolka Banaadir islamarkaan uu ku badalay magacii degmada Wardhiiglay Warta Nabadda.
Shariif Sh.Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ujeedka degmadii Wardhiiglay ay ugu bixiyeen Warta Nabadda ay tahay magaca oo aan ahayn mid wanaagsan Islamarkaana Ay Isla Garwaaqsadeen Dhamaan Masuuliyiinta Dowlada In Ay Ka Badalaan MAgacaasi Una Bixiyaan Wart Nabadda
Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




