Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

0
106
Wararka Soomaaliya (akaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Saacado ka hor ayey xoogag Ku Hubeysan Biskoolada Waxa Ay Ku Toogteen Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya magaalada Muqdisho xili uu ku sugnaa Bartamaha suuqa Bakaaraha Islamarkaana Ay Meesha Ka Baxsadeeen Kooxihii Dilkaasi Geestay,
Sida Ay Inoo Xaqiijiyeen Goob joogayaal ayaa Waxa Ay  sheegeen in xoogag Bistoolado ku hubeysan ay dilka geysteen kadibna ay u baxsadeen dhanka suuqa Khudaarta ee gudaha Bakaaraha.

Xaaji Oo Ahaa Sarkaalka la dilay Magaciisa oo kamid ahaa saraakiishii ay Ka Howlgalayay HAy’adda Nabad Sugida Qaraka  magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal iyo qaraxyo qorshaysan oo Lala EeganayoSaraakiisha Dowlada Soomnaaliya Iyo Cid Allaale Cidii Loogu Tuhmo In Ay Xiriir La Leeyihiin Dowlada Soomaaliya Iyo Waliba Kuwa AMISOM
MAdaxda Dowlada TFG_da Soomaaliya Ayaa Ilaa Iyo Haatan Wax War Ah Ka Soo Saarin Falalkaani Isugu Jira Dilalka Iyo Waliba Qaraxyada Noocahiisa Kala Duwan Oo Loo Geesanayo Shaqsiyaad LA Shegay in Ay Xiriir LA Leeyihiin Dowlda Iyo Waliba Saraakiil Sar Sare Ee Ka Tirsan Ciidamada Soomaaliya Wararka Soomaaliya (akaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)