“Meles Zenawi”Oo Markii 2Aad Ka Dhawaajiyay In Ay Ciidamadooda Dalka Soomaaliya Dhawaan Kala Baxayaan

0
95

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka soomaaliyeed Ee Warsom

Ra’iisul wazaarahaDowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisey inay dib ula bixi doonto ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya ee kaabaya kuwa dowladda TFG-da dalka Itoobiya  ayaa sheegay in Itoobiya ay sida ugu dhaqsaha badan dib ciidamadeeda dalka Soomaaliya ugala soo bixi doonta, goobaha ay hadda joogaanna ay ku wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya islamarkaana qaybta ka ah howlgalada Mileteri ee ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab Awooda ku Leh Qeebo Badan oo Ka Tirsan Dalka Soomaaliya.

Meles Zenawi Ra’iisul wasaaraha AMISOM Ee Qeebta Ka Ah |Dowlada Isu Kaashanaya LA Dagaalanka Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya gudaha usoo galay horaantii sanadkan ayuu Meles Zenawi sheegay in ay natiijo wax ku ool ah kasoo hoyeen dagaalka ka dhanka Ahaa Xarakada Al-shabaab

“Meles Zenawi” Ujeedadeenu waxay ahayd sidii aan dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya uga caawin lahayn sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al-shabaab, qorshahaasina wuxuu u fuley sidii loogu tala galay “ Ayuu Yiri Ra’iisul Wazaaraha Dalka Ithopia.

Meles Zenawi oo aan cayimin wakhti gaar ah oo ay ciidamada dalkiisu Soomaaliya ka baxayaan ayaa sheegay in laga soo bilaabo xiligii ay Soomaaliya tageen aysan Kala Kulmin iska caabin xooggan oo la sheegi karo Xarakada Al-shabaab.

Haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay u sheegay in weeraro badan oo ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya ay kusoo gaarsiiyeen waxyeelo badan islamarkaana ay ka dileen askar ay tiradoodu tobanaan gaareyso.

Hadalkaani Meles Zenawi Ka Soo Yeeray Ayaa Ah markii 2-aad Oo ay Itoobiya ka dhawaajiso inay ciidamadeeda Soomaaliya jooga dib ula baxayso inkasta oo aysan sheegin wakhtiga ay talaabadaas qaadayso.

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka soomaaliyeed Ee Warsom