Gabadhii Isku Qarxisay Tiyaatarka Muqdisho Oo La Ogaaday Qoyskeeda Iyo Waxa Ay Aheed

0
135
Wararka Soomaaliya (akaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Gabadha isku arxisay Tiyaatarka Soomaaliya ayaa warar isa soo taraya waxay sheegayaan inuu aabaheed ahaa masuul sare oo ka tirsanaa dowladii Maxamed Syaad bare isagoo ahaa masuul si weyn looga yaqaano maagalada Muqdisho ahna dadka ku abtirsada magaalada Muqdisho
Gabadha ayaa da ahaan jirta 28 sano waxeyna ku nooleyd dalka Masar oo markii danbe ay uga dhooftay Dalka Mareykanka halkaas oo ka daganeyd magaalada Virginia
Gabdhan oo ka soo jeeda qoys ladan masarna wax ka baratay ayaa reerkoodu muda la’aa oo meel ay joogto garan waayey iyadoo warka xaqiiqda ah gabadhan is qarxisay uu xaqiijiyey masuul ka tirsan waaxda sirdoonka Dowlada Soomaliya]
Gabadhaani Qaraxa Ismiidaaminta Ah Fulisay Ayaa isku-daygeedii ugu dambeeyay maciinsatay In Ay is-miidaamiso
Masuulkan ayaa noo sheegay in ay hayaan xaqiiqada dhabta ah ee gabdhan magaceeda iyo reerka dhalay, isla markaana aanu ka hor dhaceyn ilaa laga soo bandhigayo
“waxaan kuu sheegayaa gabdhaan in ay ka timid magaalada Virginia ee dalka Mareykanka aabaheedna ahaa masuul sare oo u shaqeyn jiray dowladii Maxamed Siyaad Bare, ahaana qabiilka deegaan ahaan lahaa magalada Muqdisho”ayuu yidhi
Sidoo Kale Masuulkan oo sheegay in reerkooda markii la weydiiyey ay sheegi wayeen xiligan gabadhoodu halka ay ku sugantahay ayna ugu danbeysay iyadoo Soomaaliya joogta Gabdhan 4-tii bishan isku qarxisay Tiyaarka Soomaaliya kana timid Mareykanka ayaa galaafatay dhowr masuul oo magac iyo maamuus ku leh Soomaliya
Gabdhan is qarxisay ayaa Mareykanka kula noolayd wasiirka koowaad ee Soomaaliya magaalo iyadoo dhawr qof oo xafiiska wasiirka koowaad ka shaqeynayayna ay ka yimaadeen Mareykanka kuwaasoo la qab qabtay oo loo xidhay tuhunka gabadha ka timid Mareykanka darteed Haatanna Ay Ku |JIraan Xabsi Ku Yaala Gudaha Madaxtooyada Ee Villa Somalia
Wararka Soomaaliya (akaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)