Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Oo Iska Fogeysay Eedeyntii Ka Soo Yeertay Kaamka Badbaado

0
1380

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Hay’ada Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta iska fogeysay eedeyn uga timid horjooge ka tirsan kaamka barakacyaasha Badbaado ee Degmada kaa oo sheegay in muddo saddex bilood hay’adu wax raashiin ah siinin dadka kaamkaasi ku jirar.

Cali C/raxmaan Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’ada Maareynta Musiibooyinka oo maanta La HAdlay Warbaahinta ayaa  sheegay in hadalka horjoogahaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin

Sidoo Kale wuxuu cadeeyay in 17kii bishii  Janaayo ee Sanadkan ay hay’adu xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho ku qeybisay  raashiin  ayna ka faaideysteen barakacyaal tiradooda Gaareyso Ilaa Iyo 12kun oo qoys Oo Ku Dhaqan Xeradaasi.

Cali C/raxmaan Axmed ayaa  sida uu u arko  warbixintii Qaraamada midoobay oo Uu Ku sheegaysay in ay dhamaatay macluushii dalka Soomaaliya ka jirtay waxa uu masu’uulkan ka tirsan Hay’ada Maareynta Musiibooyinka sheegay  inay warbixintaasi ku saleysneyn xaqiiqda dhabta ee  ka jirta Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)