War Saxaafadeed Ku Aadan Ku Biiritaanka Xarakada Alshabaab Ee Ururka Al Qaacida Oo Ka Soo Baxay Dowlada TFG-da

0
500

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dowladda TFG-da Soomaaliya waxay soo saareysaa war saxaafadeedkan ayadoo ka jawaabeysa wararkii ka soo baxay 9-kii bishaan febaraayo 2012 ee hogaamiyaha Al-Qaacida Sh. Ayman Al-Dawahiri iyo Amiirka Guud Ee Xarakada Al-shabaab Sh. Muqtaar C/raxmaan (Abu-zubeyr)   laguna baahiyay Aaladaha Internet-ka  ee ahaa in Al-shabaab si rasmi ah ugu biirtay  Ururka Weynaha Al-Qaacidada Caalamka.

Dowladda Soomaaliya marnaba shaki ugama jirin in ururka Al-shabaab ka tirsanaa Al-Qaacida, taas oo ay ka marqaati kaceysay fariimaha ay is dhaafsadeen labada horjooge.

Dowlada Soomaaliyeed waxay rajeynaysaa in caalamka ay  u xaqiiqowday  in dagaaladii  Soomaaliya ka socday sanadihii la soo dhafay ay u dhaxeeyeen Dawladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada AMISOM iyo Ururka Al-Qaacida, anagoo aaminsan in ku biiritaanka rasmiga ah ee Al-shabaabna uu sii kordhin doono halista nabadgalyo xumo ee Soomaaliya, bariga Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxayna halis u tahay in Soomaaliya ay noqoto saldhigga Al-Qaacida ee bariga Afrika sida uu ku sheegay hadalkiisa hogaamiyaha Al-Qaacida.

Dowlada Soomaaliya ma dhayalsaneyso khatarta ka dhalan karta ku biiritaankan rasmiga ah, waxayna galinaysaa heeganka ugu sareeya  dhamaan ciidamada nabadgaliyada Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si looga hortago halistaas ku soo wajahan nabagalyada Soomaaliya iyo gobolkan bariga Afrika.

Dowlada Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa bulshada caalamka in ay garab istaagaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, qaadaana talaabooyinka soo socda:

  1. In la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dowlada Soomaaliya si loo difaaco qaranimada dalka, loona dhameystiro guulaha ay gaareen ciidamada Qaranka iyo xoogaga Amisom
  2. In la xoojiyo lana tayeeyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
  3. In taageero toos ah ah oo dhinac walba ah lala garab istaao dowlada Soomaaliyeed, si ay u gudato xilka ka saran nabad kusoo dabaalida iyo xasilinta dalka. Ugu dambeyntii waxaan

Ugu baaqeynaa dhaaman dhalinyarada ay marin habaabiyeen kooxdii Al-Shabaab in ay tanaasulaan la shaqeynta kooxdaas, mar haddii ay u cadaatay in ay kooxdani u xuubsiibatay, kuna biirtay argagixisada iyo dambiilayaasha caalamiga ah ee Al-Qaacida. Dowlada Soomaaliya waxay u fidinaysaa fursadii ugu dambeysay oo ay ku dhigi karaan hubka una qaadan hanaanka nabada muddo ku kooban 15 cisho.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)