wararka somliya warsom.com
Dagaal u dhaxeeya Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xarakada mujaahidinta Al Shabaab ayaa waxa uu ka soconayaa deegaano ka tirsan Galgaduud.
Dagaalkaani oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ka soconayaa deegaan lagu magacaabo Siliga oo 17 KM u jira degmada Dhuusamareeb.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warsom.com u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana ilaa hada aan cadeen qasaaraha ka dhashay dagaalka.
Sarkaal u hadlay Ahlu Sunna ayaa waxa uu sheegay in weerarka ay ciidamadooda qaadeen, isagoo sheegay in ay doonayaan in Al Shabaab ay kala wareegaan degmada Ceelbuur.
Waxii kusoo kordha warkaasi kala soco warsom.com




