Mujaahidiinta Al-shabaab Oo La Wareegey Gacan Ku Haynta Degmada Dhuuso-mareeb

0
530

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Wararaka naga soo gaaraya magaalada Dhuuso mareeb ee xarunta gobolkaaasi Galguduud ayaa sheegaya in saacado kahor magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Sida Uu Noo Xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiint ayuu ku sheegay in ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ay la wareegeen dhamaan gacan ku heyta magaalada Dhuuso mareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Ahlussunah Waljamaaca oo kaashanaya ciidmo shisheeye.

Sidoo kaleWararka ayaa intaas ku daraya in dagaal xoogani uu xiligan ka soconayo daafaha magaalada Dhuuso mareeb ,

Waxaana la maqlayaa diryanka rasaasta iyo Madaafiicda Cul Culus  Waxaan la sheegay in ay qasaaro baahsan ka soo gaareen Ciidamada Ahlu Sunna islamarkaana laga qabsaday  gawaari Iyo Hub farabada Sida Uu Noo Xaqiijiyay Sarkaal Ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

Dagaalka Ay Mujaahidiinta Al-shabaab magaaladaas Dhuusa Mareeb kula wareegeen wixii warar ah ee ku soo kordha Kala Soco(Warsom.com)

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com