Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka booqday goobtii uu shalay qaraxa ay dadka badani ku dhinteen ka dhacay ee xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha.
Sh. Shariif ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa kormeer ku sameeyey goobihii uu qaraxu saameeyey , iyo qaar kamid ah meheradihii ganacsiga ee goobta uu shalay qaraxu ka dhacay
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Isbitaalka AMISOM ee xalane oo la geeyay dadkii ugu qatarsanaa dhaawacyada. Madaxweynaha ayaa kormeeray dadka waxyeeladu ka soo gaartey qaraxii Al-shabaab sheegteen .
Dhaawacyadaan ayaa u badnaa ardaydii iyo waalidiintooda oo ay soo gaareen dhaawacyo aad u xun oo gubasho u badanislamarkaana Haatan Jiifa Isbitaalada magaalada ,muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeytii booqday xaruntii ay dagenaayeen wasaaradaha iyo goobihii u dhawaa oo ay shalay qaraxa ismiidaamintaa la beegsadeen Xarakada Al-Shabaab.
Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in uu ku dhawaaqay gudi heer wasiir ah oo loo xilsaaray sidii cadaalada loo hor keeni lahaa dambiilayaashii ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay shacabka shalay.





