(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) oo ah AfhayeenkaMaamul Goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyey wefdi Saraakiil ciidan ah oo kasocda DKG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo beryihii u danbeey socdaal booqasho ah ku marayey deegaanda Puntladn.
Sidoo Kale Afahayeenka ayaa sheegay in ujeedada wefdiga uu hormuudka u yahay Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh cali diini Puntland u yimaadeen ay tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen ammaanka gobolada Puntland iyo arimo kale.
Axmed Cumar (libaax joorre) ayaa sheegay in mudadii labada beri ahaa ee ay wefidgaasi joogeen magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ay booqdeen xeryaha ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo qaar kamid ah xarumaha Maamul Goboledka Puntland.
Wefdigan oo uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali diini oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Gaalkacayo.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





