Dowladda TFG-da Oo Cagta Marisay Isbaarooyinkii Yiilay Degmada Dharkeynley

0
244

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Xukuumada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Lugta marisay dhamaan jidgooyooyinkii yaalay degmada Dharkeynleey iyadoo ciidamo dheeraad ah geeysay goobihii jid gooyooyinka laga qaaday islamar haatanmba ay gagta mariyeen.

Kagadaal markii degmada Dharkeeynleey ay ku soo bateen maalmihii ugu dambeeyay falal amni darro ah ayaa ciidamada Dowladdu wax ay saaka cagta mariyeen dhamaan jid gooyooyinkii yaalay degmadaasi iyadoo dowladu halkaasi geeysay ciidamo isugu jira Milatari, Booliis iyo nabad sugid oo iminkaba amaanka Sugu doono.

Dadweye Ku dhaqan Degmadaasi ayaa soo dhaweeyey qaadista jid gooyooyinkaasi kuwaas oo ku qeeylinayay areyo ay ku taageerayaan talaabada ay dowladu Ku qaaday isbaarooyinkaasi.

Howlgalkaani ay qaaday Dowlada Soomaaliya ayaa loo arkaa in ay soo afjareeyso amni daradii ka taagneyd maalmihii ugu dambeeyay degmada Dharkeynleey

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com