Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)Xafiiska Madaxtooyada Puntland War saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha Puntland kulankii uu Mas’uuliyiintaas la qaatay uu ahaa mid la iskula soo qaaday arimo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen , Sugidda amniga , Hirgelinta qorshaha Roadmap-ka , iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Puntland iyo Ururka midowga Africa Oo ay wadashaqeytoota Noqoto mid qoto dheer leh.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa intii uu magaalada Nairobi ku sugnaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya kaas oo isagana ay kawada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo tan gaarka ah ee dhulka ay dowlada Puntland ka Taliso.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii arbacada ahayd magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya soo gaarey ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay u dhoofaan caasimada Ingiriiska ee London halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb gelayo shir looga hadlayo arimaha Burcad badeeda Soomaalid
Madaxweynaha Puntland oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay magaalada Garoowe ka dhoofeen ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay mas’uuliyiin caalami ah oo ay ku jiraan Ergeyga Ururka midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rawlings iyo Ambassador Boubacar Diara Ergeyga gaarka ah ee Gudoomiyaha Uruka AU u qaabilsan Soomaaliya magaalada xarunta dalka Kenya ee Nairobi Ay kulamo kala duwan kulyeesheen magaalada Nairopi
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





