Xukuumada Gaas Oo Muddooyinkaani Ka Dheregtay Gar Gaar Ammaanna U Soo Jeediyeen Ciidamadooda Ammaanka

0
535

War Saxaafadeed

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

(Muqdisho, Sebtembar 14, 2011) Xukuumadda KMG ah ayaa ammaantay ciidamada aammaanka kadib markii ay arkeen saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo u dhashay dalka Turkiga oo xilli habeen ah soo gelaya magaalada Muqdisho, kadibna ay u soo galbiyeen meel ammaan ah.

Shaqaalaha gargaarka waxay 9kii fiidnimo ee habeenkii Isniinta, 12ka Sebtembar, marayeen isgoyska Ex-Kontorool Afgooye, oo ah is-goys khatar ah oo ah isla meeshii lagu dilay ninkii ugu weynaa argagixisada Bariga Afrika, Fazuul Cabdalla bishii Jun ee sanadkan.

Shaqaalaha gargaarka waxaa kadib loo qaaday xafiis ay Dowladdu leedahay si warbixin looga siiyo, loogalana taliyo arrimaha ammaanka, si loo xaqiijiyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan iyadoo aan la dayaceyn ammaanka shaqaalaha gargaarka.

Xukuumaddu waxay u mahadcelineysaa Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageerada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna u xaqiijineysaa in dadaal kasta lagu bixin doono sidii loo sugi lahaa ammaanka muwaadiniinta Turkiga ah inta ay dalka joogaan.

Xukuumaddu waxay sidoo kale u xaqiijineysaa hay’adaha kale ee gargaarka iyo beesha caalamka in Xukuumaddu soo dhoweyneyso, isla markaana taageereyso in gargaarka la gaarsiiyo dhammaan goobaha ay saameysay abaartu. Hase yeeshee, Xukuumaddu waxay ku adkeysaneysaa inay muhiim tahay in marka hore wada-shaqeyn lala yeesho Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha kale ee ay arrintan khuseyso.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )