War Saxaafadeed
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Wareegto Ka Soo Baxday Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeeed ayaa Xilka Looga qaaday gaashaanle Sare C/laahi Xasan bariise Oo Ahaa Taliya Ciidankla Booliska Qaybta Waliyow Cadde
Xilka Laga qaaday Bariise ayaa Lagu Wareejiyey Axmed Cali Afduje oo isna ahaa Taliyaha ciidamada booliska ee Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Sidoo Kale Bariise Ayaana Wax Xil ah Loo Dhiibin Marka Laga Reebo Xilkii Ku Lamaanaa Kan Laga Qaaday Oo Ahaa Afhayeenka Ciidamada Boolika
Dadka Siyaasada Indha Indheeya ayaa Waxa ay Is Weydinayaan Waxa Sababay In Bariise Xilka Lagha qaado Isla Markaan aaan wax Xil ah Loo Dhiibin Iyadoo Dad Qaarna ay Isha Ku Hayaan Sababaha Mr Afduje Looga Soo wareejiyey Garoonka Diyaaradaha isla m,arkaana Loo Dhiibat Booski Laga Eryey Bariise
Si Kastaba Arimahaani ayaa Waxa ay Imaanaya Xilli La Hadal Haya In Uu Tuhuno baahsan Soo Kale Dhex Galay Ciidamada Boolika Dhexdooda isla Markaani ay Midba Midka kale Isaga Kala Shakiyeen In uu Cilaaqaad la Lee Yahay Xarakada Al Shabaab
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





