(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Ugu yaraan 4 Qofoos Oo ay ku jirtay Habeyney ayaa ku dhimatay, 8- kalena way dhaawacmeen kaddib markii uu maanta qarax aad u xoogay uu ka dhacay Xaafada Suuq-Bacaad ee Gudaha magaalada Muqdisho.
Qaraxani Dadka Farabadan ay ku waxyeeloobeen ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo halkaasi yiilay, waxaana la sheegay inay walxahaasi caruur xaafadaasi ku dhaqan ay ku ciyaaraysay ka islamarkaana la sheegay in uu meeshiii kula qarxay caruurtii waday .
Dadka uu dhaawacu soo gaaray ayaa la sheegayaa in loo gudbiyaya ispitaalada ka howlgala magaalada tani muqdisho ayadooona qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay halka dhimashadana meeshii ay ka qaadeen qoysaska ay ka geeriyoodeen marxuumadii mesha qaraxa kula dhacday.
Sidoo kale Suuq-Bacaad ayaa waxay ka mid tahay goobihii ay dhawaan ka baxday Xarakada mjaahidiinta al-Shabaab islamarkaana a iminka gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada TFg-da Soomaaliya.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




