(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Akhristayaal in kastoo dowladdaha Afrika xukuma aysan dadkoodu qiimo la lahayn haddana dowladda Kenya waxaad mooddaa inay xooggaa ka duwan tahay Tigreega iyo Ugaandha! Dowladda Kenya waxaa ka jira Dimuqraadiyad been been ah iyo iyagoo weli qaab qabiil isku ixtiraama! Waan ogayn markii qabiilka Kikuyu damceen inay waddankoo dhan afka u dhigtaan waatii qabiilka Jalwaha ee Odinga ka dhashay iyo kuwo kale galeen dagaal kharaar ilaa reer Galbeedku soo dhexgaleen!
Dhawaan mar wariye VOA u joogta Nairobi soo wareysatay Axmed-madoobe bay si kama’ ah ama ku talo-gal ah waxay sheegtay meeshuu joogo! Waxay tiri: waa adiga buulka kaaga dhisan yahay dhanka xudduud-beenaadkee maxaad meesha ku heysaa?
Horta Axmed-madoobe waa ninka saas u fuleysan ee isku aamini waayey Dhoobley iyo inuu ciidankiisa ku dhex jiro; kana door biday inuu gudaha u galo xad-beenaadka! Ma ciidan ninkaas xukumo baa niyad haya?
Tan kale waxaa iska muuqata sida shabakadda Wikileaks u kashiftay in Maraykanka iyo Tigreegu diideen maamulka Azania! Sida muuqata taas beddelkeeda waxay dowladda Kenya geeska gelisay Axmed-madoobe ilaa ay cadow uga dhigtay nimankii ku xigay iyo dagaalooge sheegta sheekh Daahir!
Waxaa la sheegayaa in madax Kenya ah oo ka soo shaqeeyey shirarkii Doofaaray ay dowladda Kenya u soo jeediyeen inay dhiibaan Axmed-madoobe iyo wax la mid ah si loo soo daayo askarta u gacan gashay Shabaabka!
Waxaa la sheegayaa in markii Axmed-madoobe arkay sida dowladda Kenya ugu jiir xumeysay inuu la xiriiray Tigreega. Waxaa la sheegayaa wafti ka socda Axmed-madoobe oo gaaray Doolow! Lama oga waxa geeyey Doolow!
Waxaad mooddaa in shacabka Soomaaliyeed ee deggen xudduudbeenaadka ku qanceen dhambaalkii odayo-dhaqameedka Absame ka soo saareen Afmadow ee ahaa inaysan macquul ahayn in Kenya iyo Axmed-madoobe carqaladeeyaan Jubbooyinka oo ay iyaga iyo Kenya nabad ku seexdaan! Shacabka Soomaaliyeed ee xadbeenaadka dhinacaas ka jira baa arkay Tigreega oo xubnno ONLF ah iyo Soomaali kale ku leyneysa xeryaha qaxootiga, Gaarisa, iyo Nairobi. Markaasay meesha ka baxday wixii taageero u hayey Axmed-madoobe!
Lama oga waxa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin yeelayaan haddii dowladda Kenya u soo gudbiso codsigaas ah inay Axmed-madoobe iyo niman kale soo dhiibaan; iyagana loo soo daayo askartooda!
Xigasho:Somalimemo.net
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




