(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Banadir gaar ahaan degmooyinka Bari ee magaalada muqdisho ayaa waxaay cabasho aad u baahsan ka muujinayaa Dhaca ay Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya U Geysanayaan Shacabka yar Ee Ku Dhaqan Degmooyinkaasi
Balse waxaad Moodaa In uu ka Gaabiyay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidmada Qalabka Side Ee dalka soomaaliya Mr.Mun-gaab Maxkamadeenta Uu Maxkamdeen Jiray Ciidamada Dhaca ka geesanaya Gudaha Gobolka Banaadir
Ciidamada iminka dhaca u geesanaya Shacabka Doonaya In ay ku laabtaan Xaafadhooda ayaa waxaad moodaa in ay dhiira galin ka heysataan Ninkii loogu bartay in uu maxkamad soo saaro islamarkaana shacabka ay ku cabsiinjireen Ciidamada Doonaya In ay dhaca geestaan ayaa haatan sii kordheysa shacooda
Degmooyinka ay Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya ay Dhaca kawarda ayaa waxaa ka mid ah Degmada Shibis,C/caziiz,Yaaqshid,boondheere iyo waliba meelo kale oo ay gabi ahaantoodaba Faarujiyeen Ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab
Dhacanaani ku soolaabtay guud ahaanba degmooyinka gobolka banaadir ayaa ku soo aaday Xilli ay Shacabka doonayaan In ay xaafadahooda Dib ugu laabtaan balse waxaad moodaa in ay ka biyo diidanyihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya taasi loo micneenkaro Dhaca iyo boobka ay u geesanyaan Dadka Rayidka ah
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





