(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Maamulka Gobolka Hiiraan Ee xarakada Mujaahidiinta al-shabaab ayaa soo Afmeerta dayactir oo in ka badan muddo hal bil ka socday buundada wayn ee degmada Buulaburde
Taasi oo muhiimada ballaaran u leh gaadiidka rakaabka ah iyo midka dadweynaha ee isaga kala goosha koonfurta,bartamaha iyo waqooyiga Somaliya Si Ay ugu sahlanaato shacabka soomaaliyeed ee halkaasi ku lugeen jiray.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee xarakatul-shabaabalmujaahidiin Sheekh Yuusuf Cali (Ugaas) ayaa sheegay in si rasmi ah xariga lagaga jiray gabagabada dayactirka ku socday buundada oo uu sheegay in bishii Ramadan ilaa bishan lagu waday dib u habayn balaaran lagu sameeyay markii burbur yar iyo waxyeelo kala duwan ay soo gaartay sanadihii dambe isagoona sheegay in Gobolku ay si buuxda ugu guuleysatay dayactirka buundadasa Buulaburde.
Wadadaani weyn ee ah Buundada bartamaha magalada Bulaburde ayaa ahMeel u sahli kara gaadiidka ganacsiga isaga kala gooshta koonfurta iyo waqooyiga Somalia,
Waxaana maamulka gobolka hiiraan ay sheegtay in muddo dayactir ku socday oo culeyska qaar laga ilaalinayey ka dib maanta si rasmi ah loo furay islamarkana ay si isku mid ah u adeegsan karaan dadka iyo gaadiidka intaba.
W/D:Axmed Cabdi Axmed( Axmed Saacid)
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





