(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Kulan Balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen guddigii isimadu iska soo xuleen, Dawladda Puntland, Ergada Beesha Leelkase, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ku sugan Gaalkacyo iyo Odayaal dhaqameedka Gaalkacyo..
Shirkaani oo ahaa qaddo sharaf isla markaana lagu sheegay walqashii nabadda ayaa ka dhacdey Hotel Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaana casumaada fidiyey islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, waxaana gogoshaas lagu guddoonsadey nabad,.
Sidoo Kale waxaana gacmaha isku qabsadey Maamulka Puntland iyo beesha Leelkase oo tirsanaysey in mashaqadii ka dhacdey Gaalkacyo dhib weyn loogu geystey.
Ugu Horeen ayaa madasha waxaa ka hadlay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle islamarkaana u mahad celiyey ergooyinkii iyo Isimadii beelaha daarood ee u yimid in aan dhibaatadu intaas ka weynaan ee xal nabadeed la gaaro, .
Garaad Maxamed Shirwac oo kamid ahaa eragdii u dhabar adaygey nabadda maanta Gaalkacyo looga dhawaaqey ayaa isaguna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida dedaalkoodi u mira dhalay rabbina ula garab galay, waxaana uu dhinacyada ku booriyey in nabadda la wada ilaaliyo..
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com




