Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Dawladdii TFG-da Somalia ayaa ka hadlay Shirkii wadatashiga Saddexda Qabiil Ee Ku Shireysay ee Ka Dhacay Muqdisho Iyo Arimo Ku Saabsan ,Baarlamaanka Dawladda TFG-da
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo la hadlaayey warbaahinta ayaa ugu horeyn ka hadlay Shirkii Wadatashiga Seddexda Qabiil ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey,wuxuuna sheegay in Shirku ahaa horumar ay ku talaabsatay Soomaalidu uuna soo dhaweynayo Shirkaas lagu qabtay Muqdisho Islamarkaan uu sheegay In ay wax tar u leedahay umada soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho ayuu sheegay.Cabdilaahi Yusuf in ay ku habooneyd in lagu qabto Shirka wadatashiga,wuxuuna xusay in mar kasta uu ka digi jiray in Shir Soomaalida diba loogu qabto,kaas oo aan wax miro dhal ah kasoo bixin.
Inta badan wuxuu sheegay Cabdilaahi Yusuf in heshiisyada la isku raaco la dhaqan geliyo,wuxuuna hoosta ka xariiqay in Shirka la doonayo in lagu qabto Garowe ay ahmiyad balaaran u aheyd shacabka soomaaliyeed.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




