Ahlu Sunna Oo Dib U Bilowday Isbaarooyinkii U Yiilay Qaar Ka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya

0
568

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa bilaabay lacago laga uruurinayo baabuurta isaga kala gooshta degmadasi iyo kuwa ka baxaya, iyagoo masuuliyiinta Maamulkaasi ay sheegeen in  lacagahaasi wax looga qabanayo amaanka iyo xasilinta degmadaasi.

Bishaar Aadan Xuseen Oo ah Taliyaha Saldhiga degmada Caabud-waaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lacagahaani loogu adeegayo bulshda ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna islamarkaana lagu xaqiijinayo amaanka guud ee deegaanada ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna.

 Ahlu Sunna ayaa dhawaan waxa ay bilaabeen lacago ururintaasi oo ay ka qaadayeen dadka ku dhaqan degmooyinkaasi, iyagoo sheegay in lacagahaasi wax looga qabanayo amaanka iyo bulshada ku dhaqan Caabud-waaq.

 Meelaha ay Ahlu Sunna ka biloween lacago uruurinta ayaa waxa ka mid ah degmooyinka Guriceel, Matabaan Balanbal, ee gobolka Hiiraan iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud Iyo Meelo Kale Oo Ay Iminkaba Doonayaa in ay ka bilowaan Hoolaha ay iminkaba ka wadaan Qaar Ka Tirsan Gobolada ay maamulaan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )