Maxaad Ka Taqaannaa Xiriirka u dhaxeeya Idaacadaha Radio Muqdisho,Kulmis Qurmis Iyo Risaala?

0
660

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Wixii idaacado la aas aasaba waxaa dhidhibada loo taagay idaacadda Radio Muqdisho taasoo haatan  ku shaqeeyso afka Dowladda iyadoo xubno idaacadaasi ka tirsan ay bilaabeen dhisidda idaacado kale oo iyaga la mid ah si ay u badiyaan Afkaarta ay xambaarsan yihiin.

Waxaa idaacadda muqdisho la aas-aasay sanadkii 2009-ka kaasoo laga furay magaalada muqdisho gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo ay maamul ahaan hoos tagto.

Waxaa iyana xigay idaacaddda Kulmiye taasoo la dhisay sanadkii 2010-ka wariyayaasha ka howl-galana ay ka soo goosteen idaacadda Shabeelle.

Waxaa sidoo kale ugu dambeysay idaacadda Risaala oo iyana dhidhibada loo taagay sanadkan 2011-ka kana howl-gasha magaalada muqdisho.

Hadabna horey waxaa loo yiri god iyo ninkii loo wado lama kala qarsho waaxaana tix raaceynaa sida ay runtu tahay waxna u jiraan.

Ka dib furitaanka Radio Muqdisho waxaa shaqsiyaad ka socda Raadiyahaasi oo lagu magaacabo  C/raxmaan yuusuf Sheekh Al-Cadaala, Liiban Cabdi Cali iyo agaasimihii hore ee Shabeelle Abwaan Guurre ay ku tashadeen in la furo idaacadda Kulmiye oo haatan si dadban ugu hadasho Afka Dowladda si loo badiyo idaacadaha ku hadla afka dowladda.

Ka dib iyana furitaankii idaacadda Kulmiye waxaa maseyr weyn uu ku abuurmay wasiirkii hore ee warfaafinta  Daahir Maxamuud Geelle iyo shaqsi lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali oo ah shaqsi ay Radio Muqdisho u wakiisheen idaacadda Risaala  haatanna ah kuxigeenka malkiilaha Radio Risaala ay fureen idaacadda Risaala si loo sii xoojiyo awoodda dowladda ee dhanka idaacadaha.

Wax farqi ah uma dhaxeeyo idaacadahan laakiin waxa ay ku kala duwan yihiin maalgashiga iyo lacagaha ay qaataan wariyayaasha

Aan ku hormarno Radio Muqdisho waxa ay shaqaalahooda qaar qaataan 150 –doolar halka kuwa kalana ay qaataan 200 doler, Kulmiyena aan eegnee waxa ay wariyayaasha mushaar ahaan u qaataan inta u dhaxeysa 50-80 dolers halka risaalana ay qaataan 50-dolers kuwa kalana ay qaataan 60-80 doolar

Hadaba jadwalka lahaanshaha idaacadaha waxa uu yahay sidata

Abwaan Guurre+Al-Cadaala+Liibaan Cabdi Cali=Kulmiye min Radio muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle+Liibaan Cabdi Cali= Risaala min Radio Muqdisho.

Jadwalkan waxa uu ku caddeynayaa in idaacadaha Dowladda ay yihiin saddexdan idaacadood oo kala ah Radio Muqdisho,Kulmiye iyo Risaala aysanna aheyn idaacado dhexdhexaad ah sida ay iyagu sheegtaan.

Xiriirka idaacadahan aad buu u sarreeyaa maadaama idaacadahan ay ka soo wada faracmaan Radio Muqdisho oo ah Idaacadda ku hadasha Afka Dowladda ayna laba kale ku hadlaan Afka ay Radio Muqdisho ku shaqeeyso.

Waxaad moodaa in raggan ay laaluush uga soo qaateen dowladda si loo helo idaacado fara badan oo Dowladdu leedahay laakiin qarsoon maadama loola baqay in amnigoodu halis galo isla markaana burbur uu ku yimaado,Ogow idaaadahan Kulmiye iyo Risaala waxay ka diiwaan geshin yihiin Wasaradda Warfaafinta,Ogowna in loo tababarro Wariyayaal sida Radio Muqdisho,Ogowna in uu xiriir baaxad weyn ka dhaxeeyo iyaga iyo Dowladda.

Hadaba Aqriste waxaa inoo muhiim ah fakarkaada kadib markii aad aqrisato qoraalkan isla markaana wixii su’aalo ah oo in laa idin kaga jawaabo aad dooneysaan inoo soo gudbiyo sifo aad ku heshaan jawaabaha saxda ah ee Su’aalihiinna.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com