Dameer Lagu Soo Xirey Waxyaabaha Qarxa Oo Ciidamada PS-ta Ku Soo Bandhigeen Muqdisho

0
766

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Hay’adda Nabad Sgida  Dowlada TFG-da Soomaaliya Ee Loo Yaqaano PS-ta ayaa soo bandhigtey dameer laga soo raray waxyaabaha qarxa,Kaas oo ay sheegeen in ay soo adeegsadeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Waa Sida ay Hadal U Dhigeenee

Dameerka oo raran isla markaana Wada Bombooyinka gumaadi kara dad badan ayaa ciidanka PS-ta ku qabteen agagaarka Ex-Kontorool, Afgoye

Ibrahim Cumar Aadan Oo Ahaa afhayeenka u hadley ciidamada PS-ta ayaa sheegay in dadka Soo Adeegsaday  ay u isticmaalayaan waddooyin iyo habab

Dameerka ayaa waxaa ku xirnaa gaariga yar ee loo yaqaano gaari dameerka, waxaana wadey wiilal yaryar sida Uu Sheegay Afahayeenka U Hadlay Ciidamada PS-ta.

Si kastaba ha ahaatee hababka caynkan oo kale ah waxaa aad looga yaqaaney dalka Afqaanistaan kuwaas oo Mootooyin Dameero iyo weliba waxyaabo kale loo isticmaalo qaraxyada ismiidaaminta Noocaani oo kale ah.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com