Xarunta Weyn C.I.A-da Maraykanka Ee Ku Leedahay Kabul Oo Weerar Culus Lagu Qaaday

0
589

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanaka ee dalka Afghanistan ayaa Xaqiijiyay In weerar culus lagu qaaday Xaarun Sirdoon ay Mreykan ku leedahay Dalka Afghanistan Islamrkaana qasaaro baahsan kala kulmeen Shaqaalaha mareykanka ee halkaasi ku sugnaa

Rasaas mudo kooban socotey iyo qarax ayaa laga maqlay halka ay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan kaga taalo xarunta Wakaalada sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo (C.I.A)

Warar Xaqaa’iq Ah oo aynu ka heleeno Xaruntaasi Qaraxa Ismiidaminta ah lala beegsaday  ayaa sheegaya in la rumeysan yahay in qof si gaar ah xafiiska C.I.A-da loogaga yeeray lana filayo inuu shaqaalihiisa ka tirsanaa uu markii uu marayey iridda hore ee Xaruntaasi rasaas ooda kaga qaaday ilaaladii goobtaasi joogey dabadeedna uu isqarxiyey islamarkaana Uu Meeshaasi Ka Dhacay Qasaaro isug jra Dhimasho Iyo Dhaawac.

Ilaa iyo haatan Ma jiro waxa war ah oo arintaasi ku aadan kaasoo kasoo baxay C.I.A-da Maraykanka mana ahan markii ugu horeysey oo arin noocan oo kale ah dhacdo hase yeeshee horaantii bishan aynu ku jirno ayey ahayd markii weerar ay 14-qof ku dhinteen lagu soo qaaday Safaarada maraykana ee Ku taala Dalka Afghanistan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com