Dhaqaatiir Ka Socota Dowlada Turkiga Oo Maalintii 2-Aad Howlo Caafimaad Ka Wada Magaalada Gaalkacyo(Daawo Sawirada)

0
508

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Wefdi dhakhaatiir ah oo ka yimid dalka Turkiga ayaa Maalintii 2-aad magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug hawlo caafimaad kawada kuwaas oo inta ay Puntland ku sugan yihiin adeegyo caafimaad oo tabarucaad ah dadka u Sameenaya.

Wefdigan dhakhaatiirta Turkishka ah oo ay tiradoodu tahay 14- islamarkaana leh takhasusaad kala duwan oo ay kamid yihiin Cudarada guud , Caruurta , Qaliimada guud , iyo cudurada ku dhaca Cunaha , Dhegaha , iyo Sanka (ENT) , Farmashiistayaal iyo kuwa bukaanada suuxiya  ayaa howlo caafimaad oo baarintaan , qalliin , iyo daaweyn isugu jira ka wada Cusbataalka guud ee magaalada Gaalkacayo Ee Xarunta Gobolkaasi Mudug.

Kumanaan Dadweyne gaaraya ayaa soo buux dhaafiyey Cusbataalka Gaalkacayo si ay uga faa’iideystaan howlaha caafimaad ee ay sida bilaashka ah dhakhaatiirta dalka Turkiga ka yimid dadka Soomaaliyeed ugu qabanayaan ,

Waxaana wararka laga helayo howlwadeena Cusbataalku ay sheegayaan in tirada dadka ilaa hadda la diiwaan geliyey ay kor u dhaafayso 1500-qof Oo Bukaan ah islamarkaana dawou baahan.

Dhakhaatiirta ka socda dalka Turkigu ayni aheen markii ugu horeysay ay howlo caafimaad oo tabarucaad ah ka fuliyaan degaanada Puntland ,

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com