(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Baacsiga iyo waliba Dilalka lagu hayo madaxda maamulka Puntland ayaa kusii xoogeystay magaalooyinka waaweyn ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya iyo Waqooyi Bari.
Magaalada Gaalkacyo oo ay ka taaganyihiin xiisada colaadeed waxaa barbar socda qorshayaal lagu doonayo in lagu laayo madaxda iyo shaqaalaha maamulka Faroole si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan shacabka islamarkaana haatanba la laynayo dhamaan madaxda ka amarkaadato C/raxmaan Faroole
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iskuday lagu doonayay in lagu qaarijiyo gudoomiyaha Mudug ugu magacaaban maamulka Faroole uu ka bad baaday
xalay ayaa Qarax Miino waxa uu ka dhacay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo ayuu dhaawac kasoo gaaray ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiyaha Mudug ugu magacaaban Puntland.
Balse Ilaa iyo haatan wax war ah kamasoo bixin xoogaga kasoo horjeeda maamulka Puntland kaa oo ay kaga hadlayaan Falalka loo geesanaya Madaxda Maamulka Puntland .
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





