(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada TFG-da ee Soomaaliya maanta kulan ku yeeshay.
Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya Kulankan ay isugu yimaadeen ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayey sharciga cusub ay xukuumadu kasoo saartay bangiyada iyo qaabka ay wasaarada maaliyadu u shaqaynayso Iyo Waliba Arimo Kale Oo muhiim u ah Guud Ahaanba Baarlamaaka Soomaaliya.
Cabdiweli Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Baarlamaanka oo isaga kulanka maanta shir gudoominayey ayaa mudanayaasha Baarlamaanka sharaxaad kooban ka siiyey ajendaha ku aadan sharciga cusub ee Maaliyadda iyo Sida ayula shaqeynayaan.
Intaas kadib ayaa xildhibaanada loo qaybiyey buug ka hadlaya sharciga cusub ee ku aadan qaabka loo maamulayo Bangiga dhex iyo Maaliyada ,
Waxaana sidoo kale intii uu kulanka Baarlamaanku socdey la isla soo hadal qaaday Su’aalo dhowr ah oo ku aadan halka ay ka baxaan deeqaha gar gaarka ah ee ay dowladu ka hesho Dowladaha Caalamka.
Kulanka manta ay isugu yimaadaan baarlamaanka ayaa wax ay gaarayeen 319-xildhibaan , waxaana lagu balan sanyahay in maalin nimada beri ah la isugu soo noqdo si looga doodo shacarcigan cusub ee ay xukuumada Ra’iisul wasaare Gaas dhowaanta soo saartay iyo qaabka ay xilidhibaanadauladhaqmayaan.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





